WARARKA BARAAWEPOST Sabti 16 february 2013 

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Ka guddoomay AMISOM qalab kala duwan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Shariif Sheekhuna Maye ayaa maanta kala wareegay taliyaha Booliska AMISOM Charles Makono qalab kala duwan oo loogu talagalay in lagu qalabeeyo qaar ka mid ah saldhigyada Booliska. Qalabkan maanta lagu wareejiyay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka koobnaa Kuraas,Kombiyuutaro,Miisaska Xafiisyada, iyo talaajado ayaa waxaa ugu deeqay ciidamada Booliska Soomaaliyeed qaar ka mid ah waddamada deeqbixiyayaasha gaar ahaan Talyaaniga iyo Jarmalka.

Munaasabaddii lagu wareejinayay qalabkan ayaa masuuliyiintii goobjoogga ka ahayd waxaa ka mid ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

Charles Makono Taliyaha ciidamada booliska AMISOM oo hadal gaaban ka jeediyay munaasabaddaas ayaa sheegay in qalabkan ay u soo dhiibeen dowladaha Jarmarka iyo Talyaaniga looguna talagalay in lagu qalabeeyo oo ay ku howlgalaan saldhigyada ciidamada Booliska.

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Major General Shariif Sheekhuna Maye  oo isna munaasabadaas hadal ka jeediyay ayaa si gaar ah ugu mahad celiyey waddamadii ku deeqay  agabkan maanta la gudoonsiiyey ciidamada booliska Soomaaliyeed wuxuuna ballan qaaday inay ka goan tahay kuna dadaali doono sidii uu dib ugu soo celin lahaa tayadii uu ciidanka booliska lahaa xiligii dowlada dhexe ay ka jirtay dalka Soomaaliya isla markaana ay si xowli ah u wadaan dadaalo aan kala go’ lahayn oo ay ku doonayaan iney dib ugu dhisaan ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Shariif Sheekhuna Maye ayaa ugu dambayn ka codsaday waddamada adduunka iney ka taageeraan booliska Soomaaliyeed dhanka tababarada gaar ahaan baarista iyo dabagalka danbiyada isagoona tibaaxay in booliska Soomaaliyeed uu ku tallaabsanayo horumar la taaban karo maalinba maalinta ka dambeysa.

 

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com