WARARKA BARAAWEPOST Isniin 1 march 2010 Dagaalo ka dhacay koonfurta Gaalkacayo Abaarihii 10kii subaxnimo ee saakay ayaa waxaa uu dagaal dhexmaray maleeshiyo beeleedyo wada dega degmada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug kuwaasoo rasaas xooggan isku weydaarsaday dhinaca koonfueed ee magaalada Gaalkacyo.
Dadka ku dhaqan degmada Xamarweyn oo ka cabanaya ciidamo xiran dareeska ciidamada Waxaa isa soo taraya qaylo dhaan xooggan oo ka soo yeeraysa dadka ku dhaqan degmooyinka xamarweyne iyo xamar jajab ee Gobolka Banaadir kuwaasoo sheegay in labadii maalmood ee ugu danbeeysay halkaasi la soo daadiyay ciidamo xiran dareeska ciidanka DFKMG ee soomaaliya si ay wax uga qabtaan aminga.
Maxamed Nuur Diini oo ah xoghayaha degmada xamar weyn oo ay la xiriirtay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada halkaasi la keenay ay dhibaato xooggan ku hayaan marmarna ay ridaan rasaas aanan loo meel dayin oo ay ku ridaan meelaha ay dadku ku badan yihiin, waxaana gabgagabdii uu codsaday xogayaha maamulka degmadaasdi in madaxa sare ee DFKMG ee soomaaliya ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi ku soo kordhay maalmihii ugu danbeeyay labadaasi degmo. |