WARARKA BARAAWEPOST khamiis 20 dEcemeber2012 

 

 

 

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta u dabaaldegay sanadguuradiisa 69aad oo ku beegan 20 ka December

Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan dugsiga sare ee tababarka booliska -ka Soomaaliyeed ee General Kaahiye ”Ex Scuola Di Polizia) ee degmada Xamar Jajab lagu qabtay Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay sanadguuradii 69 aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20kii December 1943.

  

Munaasabaddan oo ahayd mid aad u ballaaran isla markaana ka duwaneyd kuwii la qabtay sanadihii ka horeeyay maaddama ay ka muuqatay horumarka ballaaran ee uu ku talaabsaday ciidanka booliska soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qayb galay  madaxda sare ee dalka qaarkood kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed Xasan,Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka, iyo Booliska S/Gaas Cabduqaadir Diini iyo S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye iyo agaasimaha Nabad Sugidda Qaranka Axmed Macallin Fiqi ,Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ,gudoomiyeyaasha degmooyinka,saraakiisha Ciidammada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Dhoolatus iyo fantisiyo loogu talagalay weyneynta maalintaan qaaliga ku ah bulshada Soomaaliyeed ayaa  ugu horeyn qeybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay Ciidammada Booliiska ku soo bandhigeen barxadda dugsiga General Kaahiye ,gaada cayaarkaasoo dadkii goobta ku sugnaa ay si aad ah u jecleysteen ayadoo sidoo kalena ay Ciidammadu salaan sharaf siiyeen Madaxdii munaasabadda ku sugneyd.

Kadib fantasiyahaasi iyo dhoolatuska ay Ciidammadu soo bandhigeen waxaa hoolka shirarka dugsiga tababarka booliiska General Kaahiye ka bilowday Munaasabad taasi oo ay Madaxdu khudbaddo kala duwan ka jeediyeen ayadoo munaasabadaasina ay sidoo kale ruwaayaddo iyo suugaan wadani ah kusoo bandhigeen kooxda fanaaniinta Ciidammada Booliiska ee heegan.

Si kastaba Munaasabadan oo ah sanad guurradii 69aad ee kasoo wareegatay aas aaska Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxey si aad ah uga duwaneyd munaasabadihii kuwan ka horeeyey maadaama xiligan ay Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed si aad ah usoo dhismayaan.

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com