WARARKA BARAAWEPOST Sabti 20 february 2010 

 

 

 

Taliyaha ciidamada Badda DFKMG oo xalay dil ka badbaaday

 

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Badda ee DFKMG ee soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa ka badbaaday isku day dil oo lagu khaarijin lahaa  ka dib markii sida la sheegay ay isku dayeen dilkiisa ciidamo ka tirsan kuwa mileteriga DFKMG kadib markii uu khilaaf xooggan dhex maray qaar ka mid ah ciimada militeriga DFKMG iyo kuwa Badda ee miriinisk a loo yaqaan.


Lama oga sababaha dhaliyay in taliyaha ciidamada Badda Admiiral Qarre ay isku dayeen qaar ka mid ah ciidamada  militeriga inay shirqool u maleegaan si loo khaarijiyo kaasoo ka badbaaday isku daygii dil ee lala damacsanaa  habeenkii xalay ahaa kadib markii  ay rassaas ku fureen ciidamo ka tirsan militeriga.


Taliyaha ciidamada DFKMG dhinaca nabadgelyda col sheekheey ayaa sheegay in ay jiraan khilaafyo aanan sidaasi u weyneyn oo u dhaxeeyo labada ciidan balse la xalin doono arintaasi oo wax u dhima karta dhismaha ciidamada qaran ee ay ku howlan tahay DFKMG ee soomaaliya.

 

Ururka Ahlusunna oo sheegay in xuska bisha Mowliid ay ka dhigi doonaan goobaha ay ka taliyaan

 

Sheekh C/llaahi C/raxmaaan oo ah madaxa warfaafinta ee ururka Ahlusuna wajamaaca ee gobolada dhexe ee soomaliya ayaa shir jaraaid oo uu ku qabatay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galagaduud wuxuu ku  sheegay in ixtifaalka dhalashada suubanaha csw ay ku qaban doonaan guud ahaan gobolada ay ka taliyaan ururka Ahlusunaa.


Afhayeenkaas ayaa sidoo kale waxaa uu ku sheegay shirkiisa jaraaid in ciidamada Ahlusuna ay ku jiraan diyaar garoow xooggan oo ay rajeeynayaan in ay gacanta ku dhigi doonaan gobolada koonfur ee soomaaliya oo ay inta badan gacanta ku hayaan xarakada alshabaab, isagoo sheegay in DFKMG ee soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir wada shaqeeyn buuxda,


Gabagabadii ayaa waxaa u sheegay in ay socdaan siiroyin iyo wacdiyo iyo weliba wargelin ku saabsan sidii looga qayb qaadan lahaa xuska nabigeenna CSW kaasoo ah mid waajib ku ah ummadda islaamka meel kasta oo ay joogan.

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com