WARARKA BARAAWEPOST Arbaco 20 january 2010 

 

 

 

Madaxda Xisbul Islaam oo baadigoobaya ciidamo ka soo baxsaday.

Ururka Xisbul Islaam ayaa baadi goob xooggan ugu jira sidii ay u soo heli lahaayeen  ciidamo gaaraya sodomeeyo oo saakay ka baxsaday xarun ku dhow ceelasha biyaha oo ay deganaayeen ururka xizbul islaam.

Sida ay wararku nagu soo gaarayaan saraakiisha ciidamada xizbul islaam ayaa baadi goob xooggan ugu jira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ragaasi oo la sheegay in ay la baxsadeen qoryo fudud lana doonayay in ay ka qayb qaataan dagaalada ka socda magaalada B/weyn ee xarunta goblka Hiraan.
Dhacdadani ayaan ahayn tii ugu horeeysay ee nooceeda ah  iyadoo ciidamo ka tirsaqn xizbul islaam ay horeey u fakadeen kuna biireen DFKMG ee soomaaliya. 

Xildhibaan ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo habeenkii xalay lagu dilay Boosaasoþ

Abaarihii 9kii fiidnimo ee habeenkii xalay ee waqtiga geeska Afrikada bari ayaa lagu dilay xildhibaan kia tirsan maamul goboleedka puntilaand bartamaha magaalada Boosaaso ee maamul gobleedka puntland.
wararka halkaasi naga soo gaaray aya sheegaya in xildhibaankaasi ay dileen kooxo ku hubeeysnaa Bistoolado oo markii danbe la sheegay in ay ku baxsadeen gaari yar oo ay wateen oo aana la ogeeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.


Waxaa isla markiiba goobtaasi soo gaaray ciidamada Booliska kuwaasoo  ku guul dareetystay in ay gacanta ku soo dhigaan kooxahaasi  dilakai geeystay.

Guud ahaan arimahani ayaa waxaa ay qayb ay ka yihiin ammaan darada ku soo korodhay maamul goboleedka puntlaand. 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com