WARARKA BARAAWEPOST Sabti 23 january 2010 

 

 

 

Magaalada Beledweyn oo maanta deggan

 

Xaaladda magaalada Beledweyn ayaa maanta deggan ka dib markii maalinimadii shalay ahayd uu ka dhacay dagaal culus oo lagu riiqday kaasoo dhexmaray xoogag isgarbsanaya oo kala ahaa Ahlusuna iyo ciidamada DFKMG ee SOOMAALIYA oo dhinac ahaa IYO XARAKADA ALSHAABAAB IYO XIZBUL ISLAAM oo dhanka kale ka soo jeeday.


Dagaaladasi ayaa inta la ogyahay waxaa ku nafwaayay illaa iyo toban ruux halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen waxaana maanta deggan xaaladda magaalada B/weyn oo waxaa dib u bilaawday ganacsi yar yar oo aan sidaasi u weyneyn iyadoow inta badan dadku ay ka barakaceen magaalada .
Lama oga sidaa uu noqon doono xaalka magaalada B/weyn oo noqotay goob lagu hardamo .

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com