WARARKA BARAAWEPOST Sabti 24 augusti 2013 

 

 

Inaa Lillaahi Wa Inaa Illeyhi Raajicuun Allah Ha u Naxariisto Nabadoon Amiin Cali Muumin

Dhamaan xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta,waxgaradka,dhalinyarada iyo haweenka beelweynta Reer Baraawe waxay halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaan dhamaan shacabka soomaaliyeed , gaar ahaan bulshada reer Baraawe siibaa qoyskii qaraabadii iyo ehaladii uu ka geeriyoodey marxuum nabadoon Amiin Cali Muumin oo shalay oo jimca ahayd  barqadii kooxo hubeysan ay ku dileen iridka laga galo gurigiisa oo ku yaal degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Marxuumka oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaaliyeed eeka qaybgalay shirweynihii lagu ansixinayay dastuurka ku meel gaarka isla markaana looga baxay ku meel gaarnimada odayaashaasoo kadibna soo xulay xildhibaanada haatan ku jira baarlamaanka federaalka soomaaliya.

Marxuum Nabadoon Amiin Cali Muumin ayaa kooxihii dilay waxay ku dileen albaabka gurigiisa xilli uu ku sii socday masaajidka si uu u soo tukado salaadda Jimce.

Waxaan leenahay dhamaan eheladii qaraabadii asxaabtii iyo caruurtii uu ka ataty marxuumka samir iyo iimaan alla ha idinka siiyo marxuumkana eebbe janadiisa fardowso ha ka waraabiyo. Aamiin

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com