WARARKA BARAAWEPOST isniin 24 dEcemeber2012 

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Xalay kormeer ku soo Maray Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdixariin Xuseen Guuleed iyo Taliyaaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye iyo ayaa habeennimadii xalay aheyd kormeer howleed ku tegay dhamaan saldhigyada ciidanka booliska iyo isgoysyada waaweyn ee magaalada Muqdisho.

   

kormeerkaas ayaa madaxdaasi waxay ugu kuurgalayeen inay indhahooda ku soo arkaan sida ay xiliga habeenkii ah u shaqeeyaan Ciidammada Ammaanka iyo qaabka uu ku socdo howlgalka lagu sugayo amniga ee habeenadan sida joogtada ah uga socda degmooyinka uu ka kooban yahay gobolkan Banaadir.

Kormeerka ayaa waxa wasiirka iyo saraakiishii ku wehelinaysay kormeewaxay xalay ku tageen Isgoysyada degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Howlwadaag iyo Warta Nabadda.

Markii ay ka soo laabteen madaxdu kormeekooda ay xalay ku tageen qaar ka mid ah Degmooyinka gobalka Banaadir  ayaa waxaa Radio Muqdisho iyo SNTV la hadlay Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane C/kariim Xuseen Guuleed ayaa saxaafadda u sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada ciidamada ay ka Wadaan caasimada dalka, isla markaana ay had iyo jeer si wadajir ah ay u sameyn doonaan howlgallada iyo Kormeerada lagu xaqiijinayo  amniga guud ee caasimada dalka.

Waa kormeerki ugu horeeyay oo uu wasiirka arimaha gudaha Qaranka ku tago qaar ka mid ah degmooyinka gobalka xilli habeen ah tan iyo marki uu la wareegay xilka wasaaradaasi.

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com