WARARKA BARAAWEPOST isniin 24 dEcemeber2012 

 

 

Diiday Cadaalad iyo Garsoor:

 

 

Dhismihii Maamul Goboleedka Puntland

ka dib markii wadatashi  iyo turxaan bixin dheer ay yeesheen Isimada, Siyaasiinta, Aqoonyahanada, Ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degaanada Puntland, ayay waxay go’aansadeen in lagu qabto shirweyne magaalada Garoowe, shirkaas oo ujeedadiisu ahayd in lagu dhiso maamul goboleed ay ku bahoobaan gobolada Bari, Karkaar, Nugaal iyo Mudug, hase yeeshee waxaa markii dambe ku soo biiray goboladii la isku oran jiray Waqooyi Bari. Shirkaas waxaa lagu dhisay maamul goboleedka Puntland ee soomaaliya bartimihii sanadkii 1998, halkaas oo lagu sameeyay Golaha Wakiilada Puntland oo ka kooban 66 xildhibaan oo lab iyo dhadigba leh, Golaha Garsoorka iyo Golaha Xukuumada oo leh madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Puntland waxay ka tirsan tahay Dawlada Federaalka Soomaaliya, waxay xiriir la yiilanaysa maamul kasta oo dhisma kana shaqaynaya midnimada soomaaliyeed.  Puntland waxay ka kooban tahay 7 Gobol oo kala ah:

·         Bari

·         Karkar

·         Nugaal

·         Mudug

·         Sanaag

·         Sool

·         Ceyn

Sida la wada ogsoon yahay waxaa baryahaan dambe ka taagan degaanada puntland muran siyaasadeed iyo khilaafaad, kuwaas oo salka ku haya muddo korarsiga uu doonaayo maamulka puntland oo uu hugaanka u hayo Mudane madaxweyne cabdiraxmaan Faroole ka dib markii Madaxweynaha Puntland uu sheegay in uu xafiisa sii joogi doono muddo sanad dheeraad ah, taas oo dhalisay muran xoogan oo hareyay baryahaan degaanada puntland. Haddii aanu ka eegno dhanka kale waxaa jira siyaasiin badan oo ku doodaya madaxweyne cabdiraxmaan Faroole waqtigiisii waa damaaday, markii la dhaarinaayay waxaa loo dhaariyay mudada uu hayn doono xilka 4 sano, waxaa si isdaba joog ah u soo baxaya baaqyo kala duwan oo xanbaarsan fikrado ku kala duwan oo ku saabsan arrinta muddo kurarsiga, waxaa kale oo soo baxaya aragtiyo fara badan oo ay qabaan qaybo ka mid ah dadka ku dhaqan degaanada puntland, waxayna qabaan in maamulka puntland uusan marin dhabihii saxda ahaa ee ay ku heshiiyeen  dadka reer puntland, Waxaa maqlaysa  baryahaan dambe dad ka cabanaaya arrimo badan oo ka jira degaanada puntland, arrimahaas oo ah wax qabad la’aanta, dilalka qursheysan, colaadaha beelaha dhexdooda ah, kala qaybsanaanta Isimada Puntland, caburiska saxaafadda loo gaysanaayo, Waxaa intaas ka sii daran oo aan dadku qarkood ogeyn in maamulku markiisii horeba uu ku dhismay cadaalad daro iyo sadbursi, taasoo ku cad habkii  lagu soo dhisay Golaha Wakiilada oo ay soo xuleen Isimada Puntland oo ka koobanaa 66 xildhibaan, kaasoo lagu dhisay cadaalad daro iyo sadbursi, cid isweydiisayna aysan jirin, iyadoo ay maamulka puntland aysan u sineyn hab cadalacd iyo sinaan oo ay ku soo uruurtay beelo gaar ah.

  Siyaasiin iyo mas’uuliin horey xilal uga soo qabtay maamulka waqtigiisii dhamaaday kuna eedaynaya maamulkaas waqti kororsiga, iyo wax qabad la’aanta, ayaa qaarkood horey uga mid ahaan jireen maamulkaas, hase yeeshee aan horey looga baran in ay ka hadaan  cadaalad darada iyo sadbursiga lagu sameeynayay beelaha reer Puntland qaarkood, waxay ahayd in mas’uulinta iyo siyaasintu ay ka hadlaan cadaalad darada lagula kacayo beelaha reer Puntland qaarkod,waxay in ay horey uga hadlaan ee aysan noqon oo kaliya barnaamij siyaasadeed ee markaas socda, dhacdooyinka lagu xusuusan karo waxa ka mid ahaa kuraastii beesha meheriga ay ku waayeen si aan cadaalad iyo garsoor toona ahayan, iyadoo lagu sameeyay cadaalad daro iyo sadbursi baahsan, Beesha meherigu ayaa ku lahayd 3 Kursi habka qaab dhismeedka (Puntland Parliament Structure), kuraastaas oo kala ahayd Bari, Nugaal iyo Mudug, hase yeeshee uu ku soo uruuray hal kursi oo kaliya,  Taasina waxay cadeeyneysa  cadaalad daro iyo xormo la’aan lagula kacay Beesha Meheri,waxay horseeday khilaaf iyo kala fagaasho iyo naceyb ka ogoonta beelaha puntland, waxaa isweydiin mudan oo dad badan hor imaaneysa wax iska bedelay degaanada puntland, dhaqamadii iyo xeerarkii ka jiri jiray.

 Haddaan toosh ku ifino diiwaanada taariikhda waxaa markhaati ma doonta ah in beesha meheriga ahayd beel looga dambeeyo hogaanka degaanadaas iyadoo sida taariikhdu xusayso, xornimadii ka hor madaxdii leegada ee degaanadaas ay ahaayeen meheri magaalooyinka Bayla, Bosaaso, Qardho,Garoowe, Galkacyo iyo Dhuusamareeb. waxaa intaas u sii dheera  in magaalooyinka degaanada puntland ay maanta ku faanto ay assaaskeedi  lahayd beesha meheriga oo ahayd beel looga dambeeyo ilbaxnimada, ganacsiga,tacliinta, hugmaaminta wanaagsan (Leadership), taasoo aad ku arki kartid magaalo kasta ee puntland ka mid ah xafad carabta. waxaa nasiib daro ah in dadkii u soo halgamay degaanadaas la yiraado carab kursi ku yeelamayso magaaladaan ama gobolkaan.  Waxaan rabaa in aan ku soo gaba-gabeeyo qormadaan “Cadaalad iyo Sinaan baa horumar iyo barwaaqo lagu gaara” soomaaliduna waxay yiraahdaan 2dii xaq daro ku heshiisa xaq bay ku dagaalamaan. Waxaa kale oo xusuusin mudan in beesha meheri marnaba ma ogoleyn in la burburiyo Puntland amase lagu abuuro khal-khal siyaasadeed, iyadoo aanu og nahay sida loola dhaqmay iyo cadaalad darada ka jirta Puntland hadana waxaan dooneynaa in aan degaanada puntland lagu burburin burbur siyaasadeed iyo isku dhac, wax kastana lagu dhameeyo isfahan iyo nabad galyo.

Waxaan halkaan kugu soo bandhigaya sawir ka turjumaya qaabka uu u dhisan yahay golaha wakiilada maamula puntland.ee maanta ka jira in kastoo ay dad badan qabaan in uu waqtigiisii dhamaaday bishii Oktoober 2012.

 

 

Qore ; Dahir Hashi (Dahir mbc)

twxaashi@hotmail.com

 

 

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com