WARARKA BARAAWEPOST talaado 24 december 2013 

 

 

Liis hordhac ah Magacyada Golaha Xukuumada Ra’iisal Wasaare C/weli

Inkastoo raisul wasaaraha cusub ee Somalia uusan weli si buuxda ula wareegin xilka xili uu baarlamanka ka helay codka kalsoonida ayaa haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in raisul wasaaruhu uu guda galay liiska xubnaha cusub ee golihiisa wasiirada.
Liiskan oo qeybo ka mid ah uu soo diyaariyey madaxweynaha ayaa waxaa uu tilmaamayaa qaar ka mid ah magacyada illaa 25 wasaaradood iyo shaqsiyaad la doonayo in loo magacaabo.

Waxaa ka muuqda liiska in beelaha shanta ah si siman loogu qeybiyey golaha wasiirada beeshiibana ay heshay illaa shan wasiir waxaana magacyada aanu helnay oo isugu jira wejiyo cusub iyo shaqsiyaad ku jiray xukuumadii Saacid ka mid ah:-

1.Fowsiyo Yuusuf X Aaden Raysalwasaare xigeen Ahna Wasiirka Arimaha Dibadda

2.Maxamuud Xasan Suleymaan Wasiirka Maaliyadda iyo lacagta

3.Cabdi Xakiin Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashan dhigga

4.Cabdi kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Amniga Qaranka

5.Xuseen Cabdi Xalane Wasiirka horumarinta iyo Isku dibba ridka deeqaha caalamiga

6.Cabdi Raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Xiriirka Golayaasha Dowladda

7.Sahra M Cali Samatar Wasiirka Haweenka iyo daryelka qooyska

8.Jamaal Maxamed Barrow Wasiirka Warfaafinta

9.Dr. Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Caafimaadka

10.Yuusuf Macalin Baadiyoow Wasiirka Biyaha, daaqa iyo Beeraha

11.Maxamuud Axmed Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha

12.Cabdulaahi Abyan Nuur Wasiirka Cadaallada

13.Faarax Shiikh Cabdi Qaadir Wasiirka Distuurka iyo Arimaha Fedraalka

14.Maxamed Nuur Gacal Wasiirka Boostaha iyo Isgaarsiinta

15.Axmed Sheekh Mukhtaar Wasiirka dhaqan celinta ,dhalinyarada iyo Ciyaaraha

16.Cabdi Nuur Sheekh Maxamed Wasiirka Tacliinta sare iyo Cilmi barista

17.Cabdiraxamaan Kulmiye Xirsi Wasiirka Gadiidka iyo Dekadaha

18.Cabdi kariin Xasan Jaamac Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta

19.Siciid Jaamac Qoorsheel Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga

20.Muxiyadiin Kaalmooy Wasiirka Dib u dhiska iyo Howlaha Guud

21.Jen. Faarax Qare Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda

22.Shiikh Axmed Siciid Wasiirka Diinta iyo Awqaafta

23.Wasiirka Macdanta iyo Arimaha Sahanka Shidaalka Wali Lama Hayo Magaciisa oo Saxan

24.Wasiirka sinaanta iyo xuquuqu insaanka Wali Lama Hayo Magaciisa oo Saxan

25.Wasiirka Daryeelka iyo suuqgeynta Xoolaha Wali Lama Hayo Magaciisa oo Saxan

Liiskan Maaha mid kama dambeys ah, waa mid qabyo ah oo weli ku jira wada tashi sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada oo aanu ka helnay, waxaana laga yaabaa in qaarkood laga saaro magacyadooda, kuwo aan hadda ka muuqana lagu soo daro.

Xigasho www.newsomali.com

 

 

 

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com