WARARKA BARAAWEPOST Khamiis 25 february 2010 

 

 

      IXTIFAALKA XUSKA DHALASHADA NABIGEENA SUUBBAN EE MUXAMAD IBN       CABDULAAHI OO LAGU QABTAY MAGAALADA GOTHENBURG.

Sida caadada u ahayd Ahlu Sunna Wal Jamaac, waxaa xalay fidnimadii oo ay taariikhdu ahayd 20-2-2009 lagu qabtay Magaalada Göteborg, gaar ahaan Xaafadda  HammarKullen .Hoolka FOLKETS HUS   , Xaflad aad u ballaaran, oo si heer sare ah loo agaasimay taasoo oo lagu maamuusayay ”dhalashadii rasuulkeena suubban NNKH”MUXAMAD IBN CABDULLAAHI BIN CABDULMUDALIB.

 

Habeenkii Nabigu (scw.) dhashay, waxay Dunida oo idil u ahayd habeen farxad badan, maxaa yeelay waxaa Dunida lagu soo dhawaynayay khalqiga oo idil kii ugu khayrka badan ”Maxamed bin Cabdillaahi”.Sanad kasta markii la gaaro Bisha Rabiicul-Awal ayay Muslimiinta soo cusboonaysiiyaan ama sii kordhiyaan ”Farxaddii & maxabbadii ay Nabiga scw. u qabeen, waxayna u dabaaldagaan sidii maalin Ciid ah oo kale, waxaana caado u noqotay Muslimiinta in ay Xuska dhalashada Nabiga scw. kulanno sameeyaan ,Masaajidada iyo meelaha kale ee muqaddaska ah iyo weliba goobaha ay ummaadu ku kulanto lagu akhriyo ”SIIRADII NABIGA SCW.”, isla markaana dadka la wacdiyo oo loo sheego wixii Rabbi uu xarrimay iyo wuxuu xalaaleeyayba

 

 

Haddaba, Xafladda xalay ka dhacay , HammarKullen waxaa ka soo qayb galay dad aad u fara badan oo ku abtirsada Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee deggan Magaalada Göteborg iyo agagaarkeeda,iyo kuwo kale oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo ku yaal dalkan Sweden (Stockholm,Malmö,Örebro) iyo waddamada Norwey iyo Danmark iyo Finland ayagoo farxad iyo reyn reyn ah  ka muujiyeen goobtaas, aad iyo aadna uga qushuuceen siiradii Nabigeena SCW iyo wacdiyadii diimeed ee halkaa looga aqriyay. Mawliidka Nabigu (SCW.) wuxuu kordhiyaa iimaanka dadka ”Muuminiinta ah ”, laakin wuxuu dhib ku yahay dadka Gaalada ah, Shayaadiinta, Bidcada iyo Qof kasta oo caqiido qalloocan aaminsan.

Waxaa lagu yaqaan dadka iimaanka leh in ay Nabiga amaanaan, kana jecelyihiin naftooda iyo cid kastaba, laakin waxaa soo baxay baryahaan dambe dad markii ay arkaan iyadoo Nabiga SCW. la xusayo ama la amaanaayo ”QANDHO QABANAYSO”, mararka qaarkoodna Nabiga meel uga dhacaya, sida in ay yiraahdaan ”Waxba ma tari karo, aabihiis naarta ku jiraa  iwm.”

 

Xafladda waxay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan, waxaana halkaas loogu duceeyay Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan Walaalaheena Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Waddanka gudihiisa in uu Ilaahay ka qaado dhibaatada & murugada, uguna beddelo naxriistiisa iyo raxmadiisa. Waxaa Eebbe laga  tuugay in Dalka Soomaaliya uu Nabad iyo xasilooniba ku soo celiyo, ummaddana u fidiyo nolol ay ku dheehan tahay bash bash iyo barwaaqo, quluubtoodana uu mid ka dhigo, intii fidno & dhibaato ku hayso shacbiga soomaaliyeedna uu Ilaah ka qabto,kana badbaadiyo fidnadooda, dhagarkooda & musiibadoodaba. Aamiin. Aamiin.

 

Waxa aad la yaab u leh haddii dagaalkii Badr, ama Sannadka Hijriga bilawgiisa, ama dagaalladii kale Muslimiintu ku guulaysteen la xusayo wax sanqar ah oo yeeraysa maqlimaysid. Xuska  Nabiga  (scw) la xiriira ma la maqlay ”dood aan meesha ba ku jirin la istaagaayaan Wahaabiyadu”.

 

 Waxay ”Ixtifaalka Mowliidka Nabiga” ku tilmaamaan  in uu yahay ”Arrin Bidco ah”, waxayna u daliilsadaan ”wax kasta oo Rasuulka (scw) ka dambeeyay waa bidco”, laakin bidco kasta xaaraan ma ah, waxaana taas daliil u ah  oo  xaaraan noqon lahaa :

 

  1. Kulmintii Sayid Abuu Bakar, Sayid Cumar iyo Zayd ay Qur’aanka kulmiyeen , kutubahana ku qoreen, markay ka cabsadeen inay layacmo;

 

2.  Kulmintii Sayid Cumar saxaabada ku kulmiyay hal  Imaam

          Salaadda Taraawiixda oo yiri ”Bidcadaanaa nicma leh”;

 

     3.  Kutubaha Muslimiintu hadda haystaan oon la’aantood diinba la 

          aqaani lehayn qoridoodi. Adaanka minaaradaha korkooda laga

          aadaamo. Sameynta dugsiyada & Isbitaalada.

 

Mana jiraan wax la yiraa BIDCO diineed & BIDCO aduunyo. Wax walba oo aad sameyso waa wax diinka sal ku leh oo shan (5) arrimood mid ka ah: Xalaal, Xaaraan, Sunno, Karaahiyo & wax Akhtiyaar laguu siiyay oo saad rabto aad ka yeeleyso.

 

Haddaba, Imaam Shaafici wuxuu yiri: “Haddii wax cusub lala yimaado oo ay khilaafaan Qur’aanama,  Sunno,   Ijmaac(waxay culumada ummadda isku raaceen) ama Athar (wixii saxaabada laga soo gaaray), kaasu waa “Bidcada baadida ah”.

 

Laakin haddii shey cusub oo kheyr ah lala yimaado oo ayna khilaafin mid ka mid ah intaas, kaasu waa mid la “Mahadiyay”, sidaas darted, wax kasta oon salafki sameyn ama waqtigaas jirin ma aha “Bidco xaaraan ah” oon la sameyn karin, laakin waxaa la rabaa in wixii cusub shareecada loo bandhigo, si loo ogaado meeshey ka geli karaan shantaas qaybood oon kor ku soo sheegnay.

 

Culumada qaarkood waxay qabaan in sheygu Bidco yahay markuu diinka khilaafo kaliya, laakin hadduu ka kooban yahay wax sharciga waafaqsan waaba Sunno, ayagoo u daliishaday Xaddiiska micnihiisu yahay “Qofkii Islaamka dhexdiisa wax wanaagsan jideeya oo waxaas lagu camalfalo asaga ka dib, waxaa loo qoraa intii ku camal fashay ajirkooda oo kale, ayadoon ajirkoodana waxba laga nuqsaamin.”

 

Haddaba, Xafladda MawliidkaNabiga (scw) ee sharafta leh waa munaasabad dadku ku muujiyaan jeclaanta ay u qabaan Nabiga & sidey ugu faraxsan yihiin dhalashadiisa, farxaddaas oo xataa gaal wax tartay qof Muslim ah iskaba daaye iyo iney Ilaah ku mahadiyaan raxmadiisa,sow Ilaah ma dhiin “kuma soo dirin inaad raxmadda caalamka tahay maahee”(Al-Anbiya 107).

 

Waa su’aale maxay tahay raxmada Nabiga (scw) ka weyn? Ilaahna waakan na amray in aan raxmadiisa ku faraxno “Dheh Ilaahey deeqdiisa iyo raxmadiisa arrinkaas ha ku farxaan (yuunus 58).

 

Waxaa Bukhaari ku taal in Abii Lahab naarta laga khafiifiyo Isniin kasta, farxaddow dhalashada Rasuulka (scw) ku farxay darted,isla markaasna xureeyay adoontiisi Thuweybah, kadib markey ugu bishaareysay dhalashadiisa. Al-Xaafid Ibn Naasiruddiin Addimishqi arrintaas wuxuu ka yiri dhowr beyt oo micnohoodu yahay “Haddii kaafirkii Tabat ku soo sheegay inuu naarta ku waaraayo la sheegay in Isniin kasta naarta laga khafiifiyo, Nabiga (scw) oo ku farxay darteed, maxaa loo maleeya adoonkii weligiis ku faraxsan Nabiga (scw) kuna dhintay towxiidka.

 

Rasuulka asagaa weyneeyay maalintuu dhashay, Ilaahna ku mahadiyay nicmadiisa ah inow keenay adduunka, wuxuuna ka cabiray mahad-celintaas Soon, sida laga weriyay Abii Qataada in la weydiiyay Rasuulka (scw) Soonka maalinta Isniinta, markaas wuxuu ku jawaabay “Waa maalintii ley dhalay Waxyigana laygu soo dejiyay”. Xadiiskan Imaam Muslim wuxuu ku weriyay saxiixiisa “Kitaabu Siyaam”.

 

Waxaad aragtaa in maalintaas la maamusay, waxaana isla mid ah in maalintaas sharafta leh soon lagu maamuso sida Nabigu SCW. Yeelay iyo in dadka la kulmiyo, deeq leysu keeno, Nabiga lagu saliyo, siiradiisana dadka loo sheego sida dadka Rasuulka scw jecel yeelaan.

 

Wuxuu garan karaa qof kasta oo caqli fayow leh in mar haddii Nabigu scw noo jideeyay in maalintaas lagu qadariyo soon oo ka mid ah cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan, ineysan ku jirin wax dhibaato ah sidey dadku hadda u qadariyaan maalintaas.

 

Waxaa Nabiga scw ka sugnaatay in uu xusi jiray maalmaha muhiimka ah oo ay dheceen arrimo diinta taariikh ku leh. Waakan markuu Madiina galay oo arkay Yuhuudii oo soomeysa Cashuura weydiiyay wexey u sooman yihiin, waxaa loo sheegay iney u sooman-yihiin mahad ay Ilaah ku mahadinaayaan korintii oo Nabi Muuse koriyay, cadawgoodii Fircoonna halligay.Nabigu scw waakii markaas yiri: “Annagaa Muuse idinka xigna oo soomay maalintaas, amrayna, kuna ballan qaaday inuu sagaalaadkana ku deri doono sanadka soo socda hadow gaaro (eeg Muslim kitaabu siyaam iyo Abu Daa’uud)”.

 

Xafladda mawliidka waxaa lagu salliya oo la salaamaa Nabiga,salligaas iyo salaantaasuna waa waajib, waa kan Ilaah ku leh aayadda micneheedu yahay: “Ilaah & malaa’iktiisu waxay ku salliyaan Nabiga kuwi rumeeyayow ku salliya oo salaama salaan” (Al-Axsaab 56). Marka isu imaadka maalintaas waxaa lagu gaaraa dan sharcigu amray oo waajib ah,wixii dan sharci ah lagu gaaraayana waa sharci ayaguna.

 

Rasuulka scw waxaa wefdi ugu imaan jiray “Laashimiinta” (gabyaaga) carbeed oo gabay ku amaani jiray, waana jeclaan jiray arrintaas oo weliba u abaal gudi jiray. Waa kii go’iisa siiyay KACAB bin ZUHEYR markuu ku amaanay qasiidadiisi sharafta badnayd “Baanat Sucaad” oo dhan 58 Beyt (cutubyo).

 

Kacab qasiidadaan wuxuu ka tiriyay Rasuulka scw hortiisa,wuxuuna ku amaanay Rasuulka & Saxaabada. Marka halkaas waxaad ka garan kartaa in aad adigu gabay ku amaani karto Rasuulka scw, haddaadan gabay aqoonina, mid qof kale horay ugu amaanay si uu kuu jeclaado oo raalli kaaga naqdo, maxaa yeelay ujeedadu waa amaanta, cid kasta ha tirisee.

 

Waxaa kaloo aragtaa in aad ummadda muslimiinta ah qofka aad rabto amaani karto, illee haddii la yiraa Nabigu scw. Nabinnimow ku mutay amaanta, Saxaabadu Nabi maaha waxaana lagu amaanay Nabiga scw hortiisa mana diidin. Marka yaan cidna kuu sheegin Nabiga lama amaani karo iyo culumo lama amaani karo, mar hadaad DALIIL heshay.

 

Ixtifaalka mawliidku waa arrin muslimiinta la wanaag-sanaatay, mudana lasoo haayay oo jiilba jiil ka soodhaxlay, Culumada waqtiyadaas kala duwan joogtayna kama hor imaan, waana arrin sharciga waafaqsan oo waxaa asal u ah xadiiska Ibni Mascuud (R.C.) oo micnihiisu yahay “Wixii Muslimiinta wanaag u arkaan, Ilaah agtiisa waa wanaag. Wixii Muslimiintu xumaan u arkaanna Ilaah agtiisa waa xumaan”(waxaa weriye ImaamAxmed).

 

Sideedana dadku waxay jeclaadaan wixii wanaagsan, marka yaa ka wanaags badan  Xafladda mawliidka Nabiga scw ee sharafta leh. Waa munaasabad dadku ku muujiyaan jeclaanta ay u qabaan Nabigooda iyo sida ay  ugu faraxsan yihiin dhalashadiisa, ayagoo fulinaayaa awaamiirta Eebbe ee uu   Qur’aankiisa  ku tilmaamay:”Waxaad dhahdaa Fadliga Eebbe iyo Naxriistiisa arintaas ha ku farxeen (Muuminiintu) iyadaa ugu kheyr roon waxay kulmiyeen” (Yuunus 58). Waxaa kaloo Ilaah yiri: “Kuwa xaqa rumeeyow rukuuca oo sujuuda oo caabuda Eebihiina falana kheyrka waxaad u dhaw-dihiin in aad liibaantaane.

 

Imaam Ibnu Teemiya oo inta badan Wahaabiyadu u nisbo sheegtaan, wuxuu Ixtifaalka mawliidka Nabiga scw ka yiri: “Ilaah ayaa ka abaal-marinaaya qolooyinka suubiya xuska munaasabada dhalashada Nabiga scw” sidaas darted, mar haddii Ibnu Teemiya sidaas yiri, maxay Wahaabiyada uga mucaaridaayaan Imaamkoodu.

 

Guud ahaan ma ogi Muslim isku khillafsan in qof la xuso, hase yeeshee, waxaan laysla meel dhigin: Yaa mudan in laxusuusto? Inta aan ka ognahay waxaa loo qaybsan yahay laba qeybood: Ummadda badankeeda oo aaminsan in Rasuulka scw mudan yahay in la xusuusto, farxadna la muujiyo maalintow dhashay, arinkaasuna yahay mid dini ah. Qola yar oo xusta shiikhooda muddo usbuuc ah, ummaddana ka hor istaagta iney muujiyaan jeclaanta ay u qabaan Rasuulka iyo sida ay ugu faraxsan yihiin raxmadda Eebbe noo soo hadiyeeyay.

 

Qolooyinka diidan mawliidka oo yiraahda waa Bidco, waxay abuureen Bidcoon Islaamka dhexdiisa sida:

 

  1. Dadka lagu aruuriyo Salaadda “Tahajudka” hal imam oo kaliya;
  2. In Habeenka 29 Bisha Ramadaan loo daayo khatimka Qur’aanka sida  ay u dhacdo  Xaramka;
  3. Hadlaka in ay ka naadiya ee dhahaan “Salaatu Al Qayaam Athaaba-kumu Allaah”;
  4. In ay qaybiyeen Towxiidkii oo ay ka dhigeen 3 qaybood:

 

B.     Towxiid Rubuubiya;

C.     Towxiid Uluuhiya;

D.     Towxiid Al-asmaa wal-sifaat

Amuurahaas oo dhan,Nabiga scw. Sunnadiisa laguma arkin, mana sameynin.

 

F.G. Xaasidnimo, Jahli ama Cilmi yari, Tacasub ama Taageero indhaha iyo umuuro kale, waxay sababaan in uu ruuxu iska diido si addilo la’aan wax kheyr ku sugan sida mowliidka Nabiga scw.

 

Midda kale Rasuulka scw. wuxuu lahaa Axkaam asaga u gaar ah iyo mid dadka kala dhexeysa. Nabigu wuxuu u banaanaa waxaan ummadda u banaaneyn oo asaga khaas looga dhigay, sida guurkiisi iyo soomkiisi xiriirka ahaa oo sku xariiri jiray dhowr maalmood & habeenadooda asagoon afurin.

 

Marka haddii la yiraa wuxuusan Nabigu scw sameyn waa ”Xaaraan”,waxay keeneysaa kheyrka aan soo sheegnay oo ummadda laga hor istaago. Haddii la yiraa wuxuu sameeyay Nabigu scw hala wada sameeyana, waxaa lagu dhacaa halaag.

 

Kuwa diidan Mawliidka ujadooda ugu weyn waxay ku salaysan tahay Nabiga iyo Asxaabtiisa laguma arkin ayagoo digaayay mowliida, laakinse kooxdaas waxay iska dhega tiraan asbaabihii faro badnayd oo sababtay in aan la istifaalin xilligii Nabiga scw uu noolaa, waxaana ka mid ah:

 

  1. Asxaabta waxay ku mashquul-sanaayeen dhidibeenta (support)

    Qawaacidda Islaamka, taas oo ayaan siinin in umuurtaan iyo

    Umuuro kale ay wax ka qabtaan amaba ay sameeyaa (Al Cudur

    waa Maqbuul);

 

2. Asxaabta waxaa la joogay Nabiga scw oo maxaa sababi karaa  in        

    ay  Ixtifaalaan dhalashadiisu, waayo wajigiisi nuurka  ayaaba ka

         hor muuqda maalin kasta;

 

Waxaan idin xaqiijinaynaa in kitaabka Ilaahay, Sunnada Rasuulka scw iyo fahamka Salafu-Saalix adilooyinkooda ay ku sugan tahay samaynta Ixtifaalka Xuska Mawliidka Rasuulka scw. Sidaa awgeed ay xufaada Islaamku iftoodeen Kutubna ka qoreen samaynta Ixtifaalka Rasuulka scw, mana jiro wax khilaaf oo muctabar ah oo Imaamyaalka Islaamku ay isku khilaafeen dhigista Ixtifaalka Mawliidka Rasuulka scw.

 

Cid kasta oo masaa’ishan famah dheeraad ahi ugu dhiman-yahay ama u baahan faa-faahin intaan ka saa’id ah, waxay ka faa’iidaysan kartaa Kutubada ay qoreen Cumada Fiqhiga ee mudarasiinta Ahlu Sunna Wal Jamaaca sida:

 

  1. Alxaafid Maxamed bin Abii Bakri Alqaysi Al-Dimish-qi;
  2. Alxaafid Cabdiraxiim Al-misriyi;
  3. Imaam ibn Kathiir oo allifay mowliidka Nabiga scw;
  4. Imaam Shamsu Diin ibn Jazriyi
  5. Imaam Alxaafid ibn Al-jowzi;
  6. Imaam Alxaafid ibn Xajar Al-Casqalaani;
  7. Alxaafid Shariif Al-kitaani;
  8. Imaam ibn Teemiya;
  9. Imaam Al-nawawi oo u mahad celiye qofkii mowliidka sameeya;
  10. Alxaafid Maxamed Al-qaahira;
  11. Al Imaam Al-caalim ibn duxyah:
  12. Alxaafid Al Muxadith Al Faqiih Mullah Cali Qari, iyo kuwo badan aan magacyadooda halkan lagu soo koobi karin: Sida Maxamed Cusmaan Al Miqani, Sheekh Zeelaci, Sheekh Bazranji.

 

Mar kale waxaan Ilaahay uga baryaynaa ummadda Soomaaliyeed in uu siiyo karaamo, nuur, cilmi, camal suuban, tawfiiq, badbaado adduun iyo badbaado aakhiro (BIJAAHI KHAYRIL ANAAM). Aamiin, Aamiin.

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com