WARARKA BARAAWEPOST Sabti 27 february 2010 

 

 

Ururka Somali Southern Community Council oo deeq gaarsiiyay degmada Sablaale

 

Ururka Somali southern community council  ayaa waxay degmda Sablaale ku qeybiyeen deeq ka koobneyd 45 Daaha ama marada kaneecada laga xirto, taasoo ay dadka degaankaas baahi weyn u qabeen .

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee ururkaasu uu deeq gaarsiiyo degaanada ay ku nool yihiin dadka soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Deeqdan tii ka horeysay ayaa ahayd lacag cash ah oo loo qaybiyay caruurta agoonta ah ee ku nool xarumaha agoonta ee magaala baydhabo.

 

Waxaana mar aan qadka teleefanka kula xiriirnay Eng Ibarahim Ali Omar Shegow uu inoo sheegay in ururkoodu uu ku tala jiro in uu deeq noocan oo kale ah u fidiyo dadka la il daran cudurka qaaxada ama TB da ee ku dhaqan gobolada koonfureed ee dalka Somalia gaar ahaan kuwa ku sugan magaalooyinka Baraawe iyo Baydhabo. 


 

Muran soo kala dhexgalay darawalada BLka ee Muqdisho iyo horjoogayaasha Shabaab

 

Waxaa  todobaadkii u danbeeyay uu muran xooggan soo kala dhex galay qaar ka mid darawalada BL ka Muqdisho iyo horjoogayaasha xarakada alshabaab ka dib markii lagu amray wadayaasha isticmaala waddooyinka mara goobaha ay ka taliyaan Shabaab inay baabuurtooda xagga danbe daaqado ama albaabo ka furaan taasoo dhibaato ku noqotay ragga darawalada oo inta badan wada baabuurta nooca loo yaqaan [Homeyda].


Sababaha dhaliyay awaamiirtan ayaa ah in haweenka iyo ragga ay isla fariisan karin oo baabuurka xaggiisa danbe oo keliya loo oggol yahay inay haweenku fariistaan sidaa darteedna ay u baahan yihiin daaqad ama meel furan oo ay ka helaan hawo si ay kuleeylka uga badbaadaan.


Guud ahaan awaamiirtani ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli haweenku ay qeylo xooggan ka soo yeertay, qaarkoodna ay yihiin xaamilo oo ay dhibeeyso in ay raacaan kuraasta danbe ee [mini buska].

 

Waxaa loo maleeyn doonaa in gaadiid badan ay howsha ka fariisan doonaan haddii ay awaamiirtaasi ka soo baxday xarakada alshabaab aanan la fulin maaddama ay gaadiileeyda dhib ku tahay fulinta amarkan

 

 

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka FKMG oo lagu wado in maanta lagu maxkamadeeyo magaalada Jigjiga

 

Waxaa la filayaa in maanta dacwad lid ku ah laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka FKMG ee soomaaliya iyo sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada kaasoo aanan horeey magaciisa loo shaacin in maanta maxkamad ku taala magaalada Jigjiga ee kilinka shanaad ee dhulka    is maamulka soomalida ee dalka Itoobiya in dacwadoodu ka furmi doonto.


Wararka waxay intaa ku darayaan in bishii aynu ka soo gudubnay ay raggaasu doonayeen inay ka talaabaan xuduudka Itoobiya si qarsoodi ah kadibna ay ciidamada Itoobiya ee ilaalada ka ah xuduudda labada dal ay gacanta ku soo dhigeen.

 

Baarlamaanka FKMG ee soomaliya ayaa horey qaylo dhaan xooggan ka keenay xarrigga xildhibaanadaas hase yeeshee Dowladda Itoobiya ayaan sii deyn raggaasi kuna adkaysatay in raggaas la maxkamadeeynayo.

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com