WARARKA BARAAWEPOST jimce 5 february2010
OGEYSIIS IXTIFAALKA MOWLIIDKA NABIGA
JAMAACADA AHLU SUNNA WAL-JAMAAC EE GÖTEBORG Waxay ogaysiinaayaan Muslimiinta ku nool Dalka Sweden , gaar ahaan Magaalada Göteborg iyo nawaaxigeeda in la qaban doono: MAWLIIDKII NABIGA S.C.W. Bisha Rabiicul Awal 7-deeda ee ku aadan Maalinta Sabtida ah, Bisha Febraayona ay tahay 20-da ee 2010. Xafladda Ixtifaalka Mawliidka Nabiga (SCW) waxaa lagu qaban doona Xaafadda HammarKullen, gaar ahaan Hoolka FOLKETS HUS, wuxuuna bilaaban doona saacaddu markay tahay 15,00 ee Galabnimo ah ilaa saacaddu markay tahay 21,00 ee Fiidnimo. Ha mooganina in aad ka soo qayb gashaan Xafladda Ixtifaalka Mawliidka Nabiga (SCW), si aad uga faa’idaysataan barashada ”SIIRADII NABIGA SCW, dhegaysiga wacdiga, naseexada, dardaaranka iyo baraarujinta xagga Diinta Islaamka. Walaalayaal, ogaada Mawliidka Nabigu (scw) wuxuu kordhiyaa iimaanka dadka mu’miniinta ah, laakin wuxuu dhib ku yahay dadka gaalada ah, shayaadiinta, bidcada iyo qof kasta oo caqiido qalloocan aaminsan. Waxaa lagu yaqaan dadka iimaanka leh in ay Nabiga (scw) amaanaan, kana jecel yihiin naftooda & cid kastaba. Laakin waxaa soo baxay beryahaan dambe dad markii ay arkaan iyadoo Nabiga scw, la xusaayo ama la amaanayo QANDHO QABANAYSO. Ilaahay ha nagu wada abaalmariyo Shafeecadda Nabigeena scw. Wixii faah-faahin ahna waxaad kala soo xiriiri kartaan: Teleefoonada hoos ku qoran: 0704450782 0736184115 0737391936 Waxaa Iclaamiyay: IDAARADA A.S.W. ee Göteborg
Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com |