WARARKA BARAAWEPOST Khamiis 31 january 2013 

 

 

Ra段isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Marka

Wafdi uu hogaaminayo Ra段sulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo maanta kormeerayey deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose.

Wafdiga Ra段sulwasaaraha ayaa waxaa magaalada Marka ku soo dhaweeyey mas置uliyiinta maamulka degmada,kan gobolka,saraakiil,waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose. 

Wafdiga la socda ra段sulwasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalladda Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay誕dda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Shariif Sheekhunaa Maye iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Waxgaradka magaalada Marka oo khudbaddo ka jeediyey kulanka uu raiisalwasaaruhu kala qaybqaatay ayaa ballan qaaday iney hiil iyo hooba la garab taagan yihiin sidii ay xukuumaddu u soo celin lahayd sharafta,karaamada iyo dowladnimada ummadda Soomaaliyeed.

Ra段sulwasaaraha iyo xubanaha Wasiirrada ee la socda ayaa sidoo kale khudbaddo halkaas ka jeediyay qeybaha kala duwan ee kasoo qeybgalay kulankan ayadoo Ra段sulwasaaraha iyo xubnaha la socdayba ay bulshada u sharaxeen qorshe howleedka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kadib kulankan ayaa Ra段sulwasaaraha wuxuu booqday qaybaha kala duwan ee ay magaalada ka kooban tahay.

Ra段sulwasaaraha iyo wafdigiisa waxey saakay kasoo ambabaxeen magaalada Muqdisho oo ay kasoo raaceen diyaarad  Helicopter ah oo ay uga soo degeen deegaanka Shalaanbood halkaasoo ay gaadiid kasoo raaceen kuna yimaadeen magaaalada Marka.

 

 

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com