WARARKA BARAAWEPOST Arbaco 3 April 2013 

 

 

Jaalliyadda soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio oo xaflad soo dhoweyn ah u sameeyay mid ka mid ah isimada soomaalieed ee ka qayb galay shirarkii lagu soo dhisay dowladda federaalka.

 

Waxaa usbuucii hore ay jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka kulan soo dhoweyn ah ugu qabteen magaaladaas Suldaan Xaydar Suufi Suldaan Munye Dheere oo ka mid ah isimada Soomaaliyeed ee ka qayb galay shirarkii lagu soo dhisayay dowladda Federaalka isla markaana looga baxay xilliga kala guurka ah.

    

Furitaanka xafladaas ayaa waxaa ugu horey aayado Qur'aanka kariimka ah ka aqriyey  Sheikh C/razaaq Maxamed. Waxaana intaa kadib la guda galay xafaladdii soo dhoweynta ahay iyadoo qaar ka mid ah ka qaybgalayaashii xafladdaas ay fursad u heeleen inay qudbado isugu jira soo dhoweyn iyo mahadnaq ka jeediyaan halkaas waxaana dadkii ka hadlay xafladdaas ka mid ahaah: Ugaas C/qaadir Amiin Loolow,Xasan Cali Cumar oo ah Guddoomiyaha Ururka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus OH, Prof.C/qaadir Nuur Aawo oo ah Xoghayaha Guud ee hayadda Cilmi Baarista Beeraha Soomaaliyeed Columbus Ohio,Mudane Axmed Maxamed Yuusuf oo ah Guddoomiyaha jaalliyadda Puntland ee Columbus Ohio, Eng. Jeylaani Sheikh Xuseen, Dr.C/qaadir Cusmaan Mataan, Mudane Khaliif Maxamed Shekhuna oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Columbus Ohio,Mudane C/rahiim Sheikh Diine Cusmaan (Bilaal) oo xubin ka ah guddiga fulinta ee Jaaliyadda reer Banaadir ee Columbus.

  

Waxaana intaas kadib xigtay khudbad dheer oo warbixin ahayd oo uu halkaas ka jeediyay Suldaan Xaydar Suufi,taasoo uu kaga warbixinayay howlihii ay qabteen guddigii isimada soomaaliyeed ee loo xulay ka qayb galka shirarkii dib u heshiisiinta iyo dhismaha dowladda federaalka.

Suldaanka oo in muddo ahba ku sugnaa magaalada Muqdisho tan iyo intii ay socdeen shirarkii lagu ansaxiyay dastuurka ku meelgaarka ah isla markaana lagu soo doortay mudanayaasha baarlamaannka isla markaana lagu soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay ka soo qaybgalayaashii xafladdaas marxaladihii ay soo mareen shirarkaas kaalinkii ay isimada ka socday beelaha soomaaliyeed ka qaateen ka mira dhalinta shirarkaas. Isagoona Suldaanku uu sheegay in gabagabadii uu eebbe ku garab galay isimada soomaaliyeed dadaalkooda kuwaasoo ku guuleystay inay soo xulaan baarlamaan ka kooban aqoonyahan.

 

Suldaanka ayaa sidoo kale sheegay in beesha uu matalo ee uu suldaanka ka yahay ay ka mid tahay beelihii ku guuleystay inay dumarka siiyaan qaybtii uu dastuurku xuquuq ahaan u siiyay dumarka soomaaliyeed ee ah 30% inay xubnuhu noqdaan dumar.

 

Waxaana gabagabadii kulankaas uu Suldaanku mahadgaar ah u jeediyay ka soo qaybgalayaashii kulankaas wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay dadkii soo qabanqaabiyay xafladda quruxda badan kuwaasoo ay ka mid ahaayeen


1- Mudane Kaale Xaaji Rufaaci oo ah Guddoomiyaha Ispoortiga ee Columbus OH
2- Mudane Cusmaan Amiin Munye                                                                                               3- Mudane Maxamed Cabdi Cadaawe        
4- Mudane Asad Amiin Munye 
5- Mudane Ibraahim Jeylaani Maxamed                           
6- Nabadoon Maxamuud Cusmaan C/raxmaan                                                                               7- Nabadoon Aweys Nuuraani Sayid Nuureini                    
8- Nabadoon C/qaadir Aweys Bakar                                                                                             9- Nabadoon Aadan Ibraahim Kuusow                  
10- Nabadoon Abuu Maxamed Bakarow                  
11- Nabadoon Sheikh Calawi Abuu                                                                                            12- Nabadoon Baazi Xaamid Amiin                                                                                                13- Nabadoon Cali Axmed Shidaad (bincali)

 

 

          

 

 

 

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com