WARARKA BARAAWEPOST Axad 3 march 2013 

 

 

                           

 Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo dalka ku soo laabtay kadib markii uu soo dhamaystay socdaal uu ku joogay dalka Sierra Leone

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Dr Shariif Sheekhuna Maye iyo wafdigii saraakiisha ahaa ee uu hor kacayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay soo gabagabeeyeen socdaal shaqo ah oo ay ku tageen Dalka Sierra Leone.

 

Wafdigaas saraakiisha booliska ah ee la socotay taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ahaa General Dhoore,General Kulane iyo Omar Barry oo ka socday AMISOM.

 

 

 

Socdaalka uu taliyaha ciidanka booliska ku tagay dalkaas Sierra Leone ayaa waxay ka dambaysay casuumaad ay ka heleen wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas si ay halkaas uga qaybgalaan kulan aqoon isweydaarsi ah oo dhexmara saraakiisha sare ee booliska Soomaaliyeed iyo Kuwa Sierra Leone, maaddaama labada dal ay yihiin laba dal oo isaga mid ah dhanka duruufaha ku aaddan dagaalada sokeeye iyo burburkii ku dhacay labadaas dal, haseyeeshee uu dalka Sierra Leone haatan burburkaas ka soo kabsaday isla markaana uu ka mid yahay waddamada ciidamada ugu yaboohay Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo nabadda iyo kala dambaynta.

 



Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed intii uu ku sugnaa caasimadda dalka Sierra Leone ee Freetown wuxuu kulamo kala gooni gooni ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda dalkaas oo ay ugu horeeyaan wasiirka arrimaha gudaha ee Sierra Leone Joseph Bandabla Daouda,taliyaha ciidanka booliska ee Sierra Leone Inspector General of the Sierra Leone Police Francis Alieu Munu.

 

S/gaas Shariif Sheekhuna Maye Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu madaxdaas uu la kulmay sharaxaad ka siiyay qaab dhismeedka booliska Soomaliyeed (the structure of Somali Ploce Force), taariikhda booliska, marxaladihii uu soo maray, duruufaha haatan haysta iyo weliba qorsho howleedka u degsan booliska muddada afarta sanno ah ee socota, waxayna madaxdaasi u ballanqaadeen taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed in dowladda iyo shacabka Sierra Leone aysan waxna ka hagran doonin walaalahood Soomaaliyeed sidii dalka uu uga bixi lahaa burburkii ka soo gaaray dagaalada sokeeye.

 

 

Ugu dambeyntii waxaa taliyaha ciidanka Booilska Somaaliyeed S/gaas Shariif Sheekhuna Maye iyo saraakiishii la socotay ay fursad u heleen inay salaan sharaf ugu tagaan madaxweynaha Sierra Leone H.E Dr Ernst BAi Koroma.

 

Taliyaha iyo saraakiisha la socotay markii ay maanta dalka dib ugu soo laabteen waxaa gegidda diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed kuwaasoo uu hor kacayay  kusimaha taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Axmed Dayib Dhagacaleen ahna taliyaha Akademiyada tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed (General Kaahiye Police Accademy) ee magaalada Muqdisho .

 

 

                                   

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com