Dagaalo culus oo shalay iyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho
Dagaalo culus ayaa shalay ilaa iyo habeenkii xalay ahaa ka socday qaybo kala duwan oo ka mid ah magaalada Muqdisho kuwaasoo dhexmaray maleeshiyooyinka Xarakada alshabaab iyo ciidamo ka tirsan kuwa DFKMG oo ay taageerayaan kuwa AMISOM, dagaaladasi oo ahaa kuwii ugu xumaa ee dhaca todobaadkan ayaa geeystay khasaaro xooggan iyadoow laysu adeegsaday madaafiic iyo rasaasta fudud.
Dagaaladsi ayaa waxay ka dhaceen degmooyinka Hodan H/wadaag Wardhiigleey iyo weliba qeybo ka mid ah dhinaca waqooyiga Muqdisho waxaana inta la ogyahay ku nafwaayay illaa iyo 20 ruux oo u badnaa rayid waxaana uu dhaawac soo gaaray in ka badan 50 qof sida ay sheegeen gawaarida gurmadka ee loo yaqaan [ampulance] waxaana dadkaas inta badan loo qaaday cisbitaalada Muqdisho.
Wararka waxay intaa ku darayaan in labada dhinaca ay guulo kala sheegteen, balse illa iyo haatan ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya guulaha la kala sheegtay .
Midowga Afrika oo ku baaqay in cuno qabateen la saaro dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee ku yaal goobaha ay ka taliyaan xarakada alshabaab
kulan ay dhowaan ku yeesheen golaha ammaanka ee ururka midowga Afrika Magaalada adis ababa ee dalka Ethopia, ayaa waxa looga codsaday Qaramada midoobay in si toos ah loogu soo rogo cunaqabateyn dheeraad ah kooxaha alshabaab ee ka soo horjeeda dawlada Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa codsaday in lagu soo rogo cuna qabateyntaas Garoomada iyo Dekadaha ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda joogitaanka Cidamada AMISOM ee Soomaaliya iyo dowladda FKMG kuwaasoo weliba kula jira dagaal.
Sidoo kale waxa ay Midowga Afrika codsigooda ku wajahan xaalada Soomaaliya,ay ku sheegeen in ay taageero dheeraad ah ay siiso Qaramada midoobay Ciidamada Amisom iyo dowlada federaalka ku meel gaarka ah,si loo adkeeyo ammaanka dalka Soomaaliya,isla markaana ay billaabi doonaan Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo is kaashanay sidii loo soo celin lahaa amniga shacabka Soomaaliyeed.
Guud ahaan arimahani ayaa waxaa ay ku soo beegmeen xilli Midoowga Afrika ay ku baaqeen dhowaan in dowladihii horey u ballaanqaaday ciidamada nabad ilaalinta in ay soo dhameystiraan si loo soo afjaro howlgalada gacanta lagu siinaayo DFKMG ee soomaaliya ee taagta daran.