WARARKA BARAAWEPOST Isniin 4 january 2010 

 

 

 

DFKMG oo ku hanjabtay in weerari doonto fariisimaha kooxaha ka soo horjeeda

 

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG ee soomaaliya Dr Cumar C/rashiid oo wareysi siiyay qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa sheegay in ay soo afjari doonaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda muddo bil gudaheed ah, sidoo kale waxa uu wacad ku maray in  ay cagta ku marin doonaan Xoogaga Ka Horjeeda, isagoo cadeeyay in Dowladda hadda ay u diyaar garowday dagaal  waxaa kaloo uu sheegay Dr, Cumar C/rashiid  in bishan janaayo dhamaadkeeda Dowladda ay qaadeyso tallaabo wax ku ool ah, isla markaana dhowaan ay shacabka maqli doonaan wax ay ku farxaan si buu yiri looga qaado dhibaatada haysata .


Guud ahaan arimahani ayaa waxaa ay ku soo beegmeen xilli qaar ka mid ah masuuliyiinta Dowladda soomaaliya ay hanjabaado ka soo yeereeysay sheegeen in talaabo la qaaqdi doono gaar ahaan gobolada koonfur ee soomaaliya ee ay gacanta ku hayaan xarakada alshabaab.

 

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com