WARARKA BARAAWEPOST Khamiis 4 march 2010 

 

  

 

Nin soomaali ah oo xalay dab lagu qabadsiiyay isagoo hurda dukaankiisa

 

Nin dhalinyaro ah oo soomaali ah ayaa habeenkii xalay dab lagu qabadsiiyay isagoo jooga goobtiisa ganacsi oo ku taal meel ku dhow magaalada capetown ee dalka South Afrika.


Mid ka mid ah ehelada wiilkaasi oo saakay si kulul uga hadlay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ee M/Muqdisho ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe wiilkaasi dhalinyarada ee soomaaliga ahi lagu gubay tuulo ku dhow magaalada capetown ee dalka suoth Afrika, wuxuuna sheegay in aanan la ogeeyn sababaha dhaliyay in lagu gubo goobtiisa ganacsiiga.


Wararka  ayaaa waxay intaa ku darayaan in dilkani uu noqonaayo kii labaad oo muddo 48 sacaadood gudahooda lagu dilo nin soomaali ah, mana muuqato wax waxqadbad ah oo ay muujinayaan Booliska dalka koonfur Afrika iyadoo soomaalida qaarkood ay ku jiraan xero qaxooti halka qaarna lagu dhibaateeyo goobaha ay mehered ahaan uga shaqeeystaan. Dadka soomaalida ah ayaa weli ku sii qulqulaya dalka koonfur Afrika oo la filaayo dhowaan in lagu qabto ciyaaraha adduunka [world cup] 2010. 

 

Dagaalo ka dhacay habeenkii xalay degaanka ceelasha biyaha

 

Dagaalo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ka dhcay degaanka ceelasha biyaha  ee ku dhow M/Muqdisho  waxaana uu dhexmaray kooxaha xizbul islaam iyo maleeshiyo beeleedyo halkaasi deggan oo si xooggan u hubeeysnaa.


Dagaalkaas ayaa geeystay khasaaro waxaana inta la ogyahay ku dhintay hal ruux waxaana ku dhaawacantay afar kale oo labo ka mid ah ay ahaayeen dad rayid ah.


Dagaalakan waxaa uu baqdin xoog leh ku abuuray dadka barakacaayaasha ee ka baxsaday dagaalalada ka socda M/Muqdisho kuwaasoo xalay qarka u saarnaa in ay markale barakacaan,


Dagaalkan ayaa ka bilowday gaari laga soo dhacay degmada Afgooye oo ay difaac ka galeen ciidamada xizbul islaam kaasoow markii danbe sababay in uu dagaal ka dhaco degaanka ceelasha biyaha waloow xiisadda ay markii danbe qaboowday kooxihii maleeshiyada ahaan ay halkasi isaga huleeleen.

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com