WARARKA BARAAWEPOST Sabti 6 february 2010 

 

 

 

Shacabka Muqdisho oo cabsi xooggan ka qabo in mar kale lagu dul hardamo

 

Waxaa si weyn looga dareemayaa qaybo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho dhiilo colaadeed taasoow DFKMG ee soomaaliya ay ku dooneeyso in ay ku baacsato kooxaha ka soo horjeeda.

 

Ciidamo ka amar qaata dowladda ayaa soo buux dhaafiyay dhinaca waddada warshadaha si ay weerar ugu qaadaan kooxaha ka soo horjeeda Dowlada soomaaliya.


Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Dowladda ayaa saacadihii la soo dhaafay ciidamo fara badan u daabulay aagagga loo malaynao inay dagaaladu ka qarxi doonaan goor dhow, taasoo micnaheeda yahay sidii ay u cadaadis u saari lahaayeen goobaha ay gacanta ku hayaan Xoogaga Hubeysan.


Culeys aan qarsooneyn ayaa saaran Xoogaga Mucaaradka, kadib markii Dowladdu ay dibada u soo saartay a Ciidamadii ugu badnaa, kuwaasoo tababar dibada uga yimid, waxaana la ogeyn tallaabada ay qaadi doonaan Ciidamadan cusub.

Guud ahaan arimahan ayaa walaac ku beertay dadka reer Muqdisho ee ku harsan magaalada halka kuwo kale ay horey uga barakaceen magaalada.

 

Xarakada Ahlusuna wajamaaca oo ku baaqday in zakooyinka la bixiyoþ

 

Urur diimeedka  ahla Sunna wajamaaca oo ka taliya qeybo ka mid ah gobolada dhexe ee soomaaliya ayaa ku baaqay in dadka ay ku waajibtay zakada ay iska bixiyaan zakada maaddaama la gaaray xilligii la bixin lahaa.


Afhayeenka ururkaas oo saakay ka hadlay warbaahinta gudaha Muqdisho ayaa sheegay in zakooyinkaasi la siin doono dadka masaakiinta ah wixii ka soo harana lagu difaaci doono dalka iyo diinta sida uu sheegay , isagoo sidoo kalena carabka ku dhuftay in ay xaaraan tahay in la qaado canshuur loona baahan yahay in lagi taakuleeyo dadka ay masiibada dagaalada ay wax ka soo gaareen guud ahaan, arimahani ayaa waxaa ay ku soo beegmeen xilli AHLUSUNAA ay ku jirtay diyaar garoow dhinacyo dagaalo hor leh.
 

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com