WARARKA BARAAWEPOST arbaca 6 february 2013 

 

 

 

Xoghayaha Guud ee Interpol oo maanta booqasho ku yimid Soomaaliya

Waxaa maanta markii ugu horeysay muddo 22 sanno ah booqasho rasmi ah ku yimid magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdishowafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay xoghayaha guud ee ururka Booliska caalamiga ah Interpol Mr Noble Roland.

Wafdigan  maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee uu hogaaminayay Xog’hayaha guud ee hay’adda booliska Aduunka ee Interpol Mr Noble Ronald ayaa markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxa halkaasi ku soo dhaweeyey taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/gaas Dr Shariif Sheekhuna Maye, Taliye ku xigeenka Ciidanka booliiska AMISOM Ben Onyoko iyo sarakiil kale.

  

Xogahayaha Guud ee Interpol ayaa markii uu ka soo dagay garoonka kadib waxa uu kormeer ku tagay taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaasoo uu kulan kula qaatay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, madaxa hay’adda dambi baarista dambiyada ee CID, taliska Booliiska AMISOM ee Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye ayaa warbixin ka siiyay xog’aya guud qaabka uu u howgalo ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo weliba qaybaha uu ka kooban yahay xafiiska Interpol ee Soomaaliya.

 

Mr Noble Roland oo saxaaafada kula hadlay xafiiska interpol ee Muqdisho ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay maanta inuu arko muddo labataan sanno ah kadib xafiis ay interpol leedahay oo ka furan somalia mar kale, isagoo isla mar ahaantaana markii ugu horeysayna ka diray warbixin ku ogeysiinaayo xafiiska guud ee interpol ee ku leedahay dalka faransiiska gaar ahaan magaalada Leon inuu haatan ku sugan yahay magaalada Muqdisho isagoo fariintaas si toos ah uga diray qalabka is gaarsiinta ah ee ay ku xiriiraan waddamada xubnaha ka ah Interpol ee loo yaqaano isgaarsiinta I 24/7 .

  

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee booliska adduunka ayaa waxaa ugu horeyn la hadlay saxaafadda xoghayah guud ee booliska Aduunka Interpol Mr Noble Roland kaasoo sheegay in booliska Soomaaliyeed ay ka taageeri doonaan wax waliba oo ay u baahan yihiin, waxa uuna intaasi ku daray in laga cafiyay ciidanka booliska Soomaaliyeed lacag gaareysa 314 000 oo lacagta Euro ah taasoo u dhiganta ku dhowaad 350 000 dollar taas oo lagu lahaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Lacagtii  xubinada ururka Interpol ee ku baaqatay Soomaaliya muddadii 22ka saanno ahayd ee dalku uu burburka iyo dowlad la´aan ta ku jiray.

 

Sidoo kale taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay booqashada uu magaalada Muqdisho ku yimid xoghayaha guud waxa uuna tilmaamay in booliska adduunka uu gacan ka siiyay booliska Soomaaliya soo qabashada shaqsiyaad dambi kagalay waddanka kaas oo u baxsaday dalka dibadiisa isla markaana uu si aad ah ugu faraxsan yahay maanta in Somalia ay xubin ka tahay ururkaas.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale uga mahad celiyay gacantii weyneyd ee uu Mr Noble ku siiyay dib u dhiska,dib u habaynta iyo qalabaynta xafiiska Interpol ee Soomaaliya iyadoo taliyuhu uu sheegay in dadaalkii weynaa iyo gacantii uu siiyay Mr Noble lagu guuleystay in dib loo howlgeliyo xafiiska NCB (National Center Bureau Interpol) ee Soomaaliya isla markaana ay soomaaliya yeelato markii ugu horeysay qalabka isgaarsiinta booliska adduunka ee loo yaqaano I 24/7

 

Intaasi kadib xog’haya ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya waxaana  ugu dambeyntii ay haddiyado is dhaafsadeen xoghayuhu taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Dr Shariif Sheekhuna Maye.  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com