WARARKA BARAAWEPOST Axad 7 february 2010
Degmooyinka kaaraan , shibis iyo yaaqshiid oo ka mid ah gobolka Banaadir ayaa waxaa lala beegsaday duqeeymo culus kuwaasoo ka imanayaya dhanka ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKMG ee soomaaliya.
Goobihii ay duqeymahaasi ka dhaceen ayaa galabta deggan iyadoo horey ay xaafadahaasi uga barakaceen inta badan dadkii deggana waxaana ku harsan oo keliya dad yar oo faro ku tiris ah kuwaasoo ilaalo ka haya guryahooda. Duqeymahan maanta dhacay ayaa sida loo sheegayo waxaa loogu tala galay in dhufeysayada loogaga saaro kooxaha kasoo horjeeda dowladda waxaana wararku sheegayaan in xoogagga xarakada alshabaab ay gebi ahaan faaruqiyeen goobihii ay kaga sugnaayeen waqooyiga Muqdisho. Degaano ka tirsan Gobolka Bakool oo ay maanta soo gaareen ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali Ciidamada Itoobiyaan ooay wehliyaan gawaarida uraalka ee kuwa dagaalka iyo ciidamo soomaali ah oo taageersan DFKMG ayaa maanta gudaha u galay Gobolka Bakool, gaar ahaan Degmada Ceel Barde oo ay fariisimo ka sameysteen.
Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com |