Maamulka culumaaudiinka Ahlusuna oo soo dhaweeyay hishiiskii ay dhowaan la galeen DFKMG
Masuuliyiinta ugu sareeysa Maamulka culimaaudiinka Ahlusunaa ee ka arimiya qeybo ka mid ah Gobolada dhexe ee soomaaliya oo soo gaaray M/Muqdisho ayaa nuqul warsaxaafadeed u qaybiyaya qaar ka mid ah warbaahinta M/Muqdisho.
warsaxaafadeedkaasi oo ay ku saxiixnaayeen masuuliyiinta ugu sareeysay Ahlusunaa ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweeynayaan dhamaan qodobadii bishii febraayo ay ku gaareen magaalada Adisababa ururkooda iyo DFKMG kaasoow ahaa in meel looga soo wada jeesto kooxaha nabbadda diidan oo dhibka ku haya shacabka soomaaliyeed qodbadasi oo ay ka mid yihiin
1.in heshiiska ay gaareen labada dhinaca uu shacabka soomaaliyeed gacan buuxda ka geeysto.
2.in layska kaashado sugidda ammaanka iyo iskaashiga labada dhinac oo ay ugu horeeyso ciidamada.
3.in guud ahaan la dhaqan geliyo hishiiskii ka dhacay magaalada Adisababa , iyo qodobo kale oo aanan la soo koobi karin,
Guud ahaan arimahani ayaa ku soo beegmay xilli DFKMG iyo xarakada alshabaa ay wadaan diyaargaroow dagaal oo la filaayo in uu markale uu dhaco guluf colaadeed oo lagu hoobto gaar ahaana magaalada Muqdisho.
DFKMG oo sheegtay in ay dhowaan la wareegi doonto gacan ku haynta Gobolka Banaadir
waxaa maalmihii ugu danbeeyaya ay si weyn uga hadlayeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada DFKMG ee soomaaliya kuwooda ugu sareeyaya in ay weli socdaan qorshe xooggan oo abaabulan oo ku saabasan sidii guud ahaan gacanta ay ugu dhigi lahayd DFKMG ee soomaaliya Magaalada Muqdisho iyagoow inta badan ka hadla Radio Muqdisho oo idaacad ku hadasha afka Dowladda soomaaliya.
Sidoow kale waxaa gelinkii danbe maalinimadii shalay shir jaraaid qabtay wasiirka arimaha gudaha sheekh c/qaadir oo sheegay in DFKMG ay wado tabaausho xooggan oo ay ku baacsaneeyso kooxaha ka soo horjeeda Dowladda soomaaliya.
Hanjaabaadyada ka soo yeeraya DFKMG ee soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli maalinimadii shalay Dowladda Mareeykanaka ay shaacisay in Dowladda mareeykanaka ay dhinaca hawada ay kaga qayb qaadan doonto howlagalada ka dhanka ah kooxha ka soo horjeeda DFKMG ee soomaaliya, balse la arki doonee waxaa ka soo baxa hadaladaasi iyo hanjabaadahaasi ka imanaya dhinaca Dowladda soomaaliya.